Ka Dib Isticmaalka Kaniinka

Waxa jira labo wado daaweynta ilmo-xaaqista. Labada haba waxtar ayey leeyihiin:

Maxaad Dareemi Kartaa Ka dib Isticmaalka Kiniinka Ilma iska soo ridka?
Waa maxay astaamaha ka sii darku?
After Use Pills

Maxaad Dareemi Kartaa Ka dib Isticmaalka Kiniinka Ilma iska soo ridka?

Ka Dib Isticmaalka Kaniinka Mifepristone

Haweenka qaarkood way dhiig bixi karaan ka dib qaadashamifepristone. Kuwakale labbaduba waa caadi.

Ka Dib Isticmaalka KaniinkaMisoprostol

Majiirka iyo dhiig baxu waa saamaynta ugu muhiimsan. Astaamahan waxtar ayay leeyihiin sababtoo ah waxay muujiyaan dawooyinka inay shaqaynayaan. Laakiin, Majiir inteeleeg iyo dhiig bax ayaad yeelan doontaa ?

Haweenka qaarkood, majiirka waa xooganyahay — aad uga xanuun badanyahay majiirka dhiiga caadada (haddii aad leedahay majiirka dhiiga caadada)

Dumarka qaar, dhiig baxuwuu ka culusyahay kan caadada caadiga ah. Sidoo kale waa caadi inay ka timaado dhiig xinjiro wata dhawrka saac ee hore ka dib qaadashada misoprostol. Cadadka xinjiraha way kala duwanaan doonaan ayadoo ku xiran inta uu uurku ahaa.

Hawenka qaarkood, majiirka waa degenyahay oo dhiig baxo waa sidii dhiiga caadiga ah ee caadada.

Ha nixin haddii dhiigbax badan iyo majiir aad leedahay ka badan dhiiga caadada caadiga ah.

Haddii aad la kullanto majiirka xun ibuprofiin waa dawo fiican oo wax ka qabata xanuunka. Waxaad ka iibsan kartaa ibuprofin 200mg awooda leh iyaddoon la qorin la iibsado (qoris la’aan) badanka wadamada. Qaado 3-4 kiniin ah (200mg) 6-8 saacadood oo kasta. Tani xanuun kaaga way ka soo rayn doontaa.

Sida aad rabto ayaad u cabi kartaa una cuni.

Isku day inaad joogto meel raaxo leh ilaa aad ka fiicnaato.

Dumarka badankoodu waxay soo fiicnaadaan in ka yar 24 saacadood.

Fiiro:

3 illaa 4 todobaad ka dib ilmo iska soo rididdaada, baaritaanka uurku weli waxa uu ahaan doonaa mid jira sababtoo ah hormoonnada jidhkaaga ku jira ayaa ka dhigaya in uuk jiro. Mararka qaarkood baaritaanada uurku waxay noqon karaan kuwo togan illaa 6-da toddobaad. Haddii ay sii socoto inaad dareento calaamadaha uurka (oo aad leedahay jilicsanaan naasaha ah, lallabbo/matag, daal, iwm.) ka dib markaad isticmaasho kaniiniyada, samee baaritaanka uurku jirta ee ultrasound si aad u hubiso in ilmo iska soo rididda lagu guuleystay.

Waa maxay astaamaha ka sii darku?

Marka laga gudbayo uurka, astamaaha sare waa caadi. Hoos waxaa ah calaamadaha khatarta aad ugu jiri karto inay ka sii daraan.

Qadarka dhiig baxa culus.

Haddii aad qoyso labba xafaayada dadka wayn ah saacadiiba ilaa 2 saacadood oo isku xiga ka dib markaad u malayso inaad soo saartay uurkii, tani waa dhiig bax wayn. Waa inaad raadisaa kaalmo caafimaad haddii aad sidan badan u dhiig baxdo. Qoyntu waxay la micno tahay xafaayada ayaa si buuxda loogu qooyay dhiig, hore ilaa dib, dhinac ilaa dhinac, iyo si kasta ilaa si kasta.

Xanuun xoogan.

Haddii aad leedahay xanuun xoogan oo aan ka soo rayn ka dib qaadashada ibuprofen, raadso caawimo caafimaad. Xanuunkan aadka u daran waxa uu la micno ahaan karaa inaad yeelan karto ka sii daris la xidhiidha uurka. Xanuun aan la xalin aanay bogsiin ibuprofen waxay noqon kartaa calaamada xanuunka. Waxaanu ku talinaynaa haweenay kasta oo uur leh inay raadsato caawmo caafimaad.

Dareemaya xanuun aad ah

Waxaad yeelan kartaa xummad, yalaalugo iyo matag maalinta aad qaadato misoprostol. Tani waa caadi. Waa inaad dareentaa ka sii waanagsanaan iyo ka sii wanaagsanaan maalin kasta ka dib isticmaalka kiniinka ilma soo ridka. Waa inaanad bukaan dareemin maalin kasta oo aad isticmaasho misoprostol, waa inaad raadisaa daryeel caafimaad.

Qorayaasha:

  • Dhammaan waxyaabaha ku jira websaydhkan waxaa qoray kooxda HowToUseAbortionPill.org iyadoo la waafajinayo heerarka iyo borotokoolka The National Abortion Federation, Ipas, the World Health Organization, DKT International and carafem.
  • The National Abortion Federation (NAF) waa ururka xirfadleyda ah ee bixiyeyaasha ilmo iska soo ridka ee Waqooyiga Ameerika, iyo hoggaamiyaha udooda ilma iskasoo ridida sharciaga ah. Mawduucyada ku saabsan HowToUseAbortionPill.org waxay la jaan qaadayaan Tilmaamaha Siyaasadda Caafimaadka 2020 ee ay soo siidaysay NAF.
  • Ipas waa hay’adda kaliya ee caalamiga ah oo si kali ah diirada saara balaarinta marin u helka ilmo iska soo ridka iyo daryeelka ka hortagga uurka. Mawduuca ku saabsan HowToUseAbortionPill.org wuxuu la jaan qaadayaa Akhbaaraadka Caafimaadka Taranka ee 2019 oo ay soo saartay Ipas.
  • The World Health Organization (WHO) waa hay’ad gaar ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo u qaabilsan caafimaadka bulshada caalamiga ah. Waxyaabaha ku jira HowToUseAbortionPill.org waxay la jaanqaadayaan ilma iskasoo rididda nabdoon ee 2012: hagitaan farsamo iyo siyaasad nidaamyo caafimaad oo ay sii deysay WHO.
  • DKT International waa urur diiwaangashan, oo aan faa’iido doon ahayn oo la aasaasay 1989 si diirada loogu saaro awooda suuq geynta bulshada qaar ka mid ah wadamada ugu waaweyn oo leh baahiyaha ugu weyn ee qorsheynta qoyska, kahortaga HIV/AIDS iyo ilmo iskasoo ridid aamin ah.
  • carafem waa shabakad kiliinik ah oo bixisa daryeel ilmo soo ridid haboon oo xirfad leh iyo qorsheynta qoyska si dadku u xakameeyaan tirada iyo kala fogaanshaha carruurtooda.

Tixraacyo:

HowToUseAbortionPill.org waxay ku xiran tahay urur diiwaangashan oo saldhiggiisu yahay Mareykanka kuna saleysan 501c (3) oo aan macaash doon ahayn.
HowToUseAbortionPill.org waxay bixisaa waxyaabo loogu talagalay ujeeddooyin macluumaad oo keliya aana ku xirnayn urur caafimaad.

Waxaa xoojiyay Women First Digital