Yaa isticmaali kara Kiniinada Ilmo iska soo Tuurista?

Horey ayaan isku soo xaaqey (nadiifiyey). May shaqeyn waxaanan yeeshay uur. Uurku wuxuu ku jirey tuyuubka (xaalada ilmuhu galo meel ka baxsan ilmo galeenka). Hada uur ayaan leeyahay marlabaad. Ma caadi baa hadii aan isticmaalo kiniinka ilmo iska soo tuurista?

Maya, maaha caadi (amaan) inaad isticmaasho kiniinka ilmo iska tuurista hadii aad ogtahay inaad khatar ugu jirto xaalada uurka meel ka baxsan ilmo galeenka.Maxaa yeeley waxaad gashay qaliin, waxaanu ogahay inaad nabaro ku leedahay tuubooyinka falooyinka. Taasi waa sababta uurkaagii ugu danbeeyey uu u noqdey mid ah xaalada ilmuhu ku sameyso meel ka baxsan ilmo galeenka. Tuubooyinka falobiyaanku waa meesha ukunta dhedig lagula bacrimiyo biyaha labka. Uurku wuxuu bilaabaa inuu koro oo uu dul maro tuubka ilmo galeenka. Hadii tuubkaagu nabar leeyahay, uurka hore wuxuu ku xanibmi karaa tuyuubka. Marka uu uurku koro, wuxuu sababi karaa in tuyuubku uu furmo. Hadii uu tuyuubku furmo, tani waxay ku sababi kartaa gudaha dhiig bax faro badan, taasi oo khatar nolosha ku ah. Waxaad khatar ugu jirtaa xalaad kale oo ilmuhu ku sameyso meel ka baxsan ilmo galeenka. Waa inaanad iskaa u isticmaalin kiniinada ilmo iskasoo ridka ilaa bixiye daryeele caafimaad uu hubo in uurku ku jiro ilmo galeenka, ee aanu ku jirin tuyuubka.


References

This website may require anonymous cookies and various third party services to function properly. You can read our Terms & Conditions and Privacy Policies. By continuing to use this site you are giving us your consent to do this.