Badqabka Daaweynata Ilmo Xaaqista ee Wiiga
Ilmo xaaqista dhacda wakhtiga hore ee uurku waxay leedahay khatar kooban oo adkaansho ah. Khatarta adkaanshu waxay la korodhaa korniinka uurka. Jaantuskan hoose ayaa muujinaya sida khatarta adkaanshu ula korodho mudada xaamilada. Inkastoon khatartu kor u kicin xaamilooyinka danbe, ilmo-xaaqista wiiga 13 waxa wali loo tixgaliyaa amaan.
Maxaad arki Doontaa Inta Lagu Jiro Ilmo-Xaaqista 10 Todobaad Kadib?
Daaweyn Ilmo-xaaqis waxay dumarka ku sababi doontaa in ay dhiigaan. Dhiigani wuxuu noqon karaa mid ka adag mudadaada caadiga ah waxaana ku jiri kara xinjiro. Waxa suurto gal ah in dumarka u dhaxeeya 10-13 todobaad oo xaamilo ah ay arkaan shay la aqoonsan karo, ama u eeg nude. Tani waa caadi manaaha in ay ku walaac galiso. Waa calaamad in ilmo-xaaqistu ay u socoto sidii la rajaynayey. Dhanka mudada adag, waxaad si nabad qabta ugu qubi kartaa xinjiro dhiiga ama nudo suuliga. Hadii aad ku nooshahay wadan ay ilmo-xaaqistu xaraan tahay, hubi inaad u qubto shaykasta oo la aqoonsan karo si taxadir leh oo sir ah.
Qorayaasha:
- Dhammaan waxyaabaha ku jira websaydhkan waxaa qoray kooxda HowToUseAbortionPill.org iyadoo la waafajinayo heerarka iyo borotokoolka The National Abortion Federation, Ipas, the World Health Organization, DKT International and carafem.
- The National Abortion Federation (NAF) waa ururka xirfadleyda ah ee bixiyeyaasha ilmo iska soo ridka ee Waqooyiga Ameerika, iyo hoggaamiyaha udooda ilma iskasoo ridida sharciaga ah. Mawduucyada ku saabsan HowToUseAbortionPill.org waxay la jaan qaadayaan Tilmaamaha Siyaasadda Caafimaadka 2020 ee ay soo siidaysay NAF.
- Ipas waa hay’adda kaliya ee caalamiga ah oo si kali ah diirada saara balaarinta marin u helka ilmo iska soo ridka iyo daryeelka ka hortagga uurka. Mawduuca ku saabsan HowToUseAbortionPill.org wuxuu la jaan qaadayaa Akhbaaraadka Caafimaadka Taranka ee 2019 oo ay soo saartay Ipas.
- The World Health Organization (WHO) waa hay’ad gaar ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo u qaabilsan caafimaadka bulshada caalamiga ah. Waxyaabaha ku jira HowToUseAbortionPill.org waxay la jaanqaadayaan ilma iskasoo rididda nabdoon ee 2012: hagitaan farsamo iyo siyaasad nidaamyo caafimaad oo ay sii deysay WHO.
- DKT International waa urur diiwaangashan, oo aan faa’iido doon ahayn oo la aasaasay 1989 si diirada loogu saaro awooda suuq geynta bulshada qaar ka mid ah wadamada ugu waaweyn oo leh baahiyaha ugu weyn ee qorsheynta qoyska, kahortaga HIV/AIDS iyo ilmo iskasoo ridid aamin ah.
- carafem waa shabakad kiliinik ah oo bixisa daryeel ilmo soo ridid haboon oo xirfad leh iyo qorsheynta qoyska si dadku u xakameeyaan tirada iyo kala fogaanshaha carruurtooda.
Tixraacyo:
- “Safe abortion: technical and policy guidance for health systems.” World Health Organization. https://apps.who.int/iris/bitstream/handle/10665/70914/;jsessionid=B7AEEBE4F34809D869F73B1ABA7F6221?sequence=1
- “Clinical updates in reproductive health.” Ipas. https://www.ipas.org/resource/clinical-updates-in-reproductive-health/
- “Clinical policy guidelines for abortion care.” National Abortion Federation (NAF). https://5aa1b2xfmfh2e2mk03kk8rsx-wpengine.netdna-ssl.com/wp-content/uploads/2018_CPGs.pdf