Intee in leegoo uurkaaga ah ayaad ku jirtaa? Cilmi baadhidy waxay muujinaysaa in dawada ilma soo ridku intabadan lagula taliyo uurarka ka horeeya 10 todobaad laga bilaabo muddadii caada dhiigaaga u dambaysay. Isticmaal xisaabiyaha uurka si aad u go’aamiso inta dheer aad aad tahay, laga bilaabo muddadii dhiigaaga caadada u dambaysay.
If your last period started on or after:
You can still consider the abortion pill.
Sida waafaqsan Kongareyska Maraykanka ee Dhakhaatiirta-umulinta iyo Xanuunada-dumarka, ilmo soo rididda saddexda bilood ee hore waa midda ugu amaansan nidaamyada caafimaad. Sikasta ha ahaatee, waa inaad had iyo jeer u diyaar garawdaa gurmad caafimaad oo kasta. Ka feker su’aalahayaga hoose in la sameeyo qorshe amaan xaalada haddii aad u baahato.
Waa halkee xarunta caafimaadka gurmadka 24 saac ah ee ugu dhaw?
Waa inaad awoodaa inaad ku gaadho halkaas 1 saac gudaheed ama ka yar. (Haddii aad qabto dhiig yari, waa inaad awoodaa inaad ku gaadho halkaas 30 daqiiqo gudahood.)
Sideed ku gaadhi doontaa xaruntaada caafimaadka gurmadka?
Ma qofbaa kula joogi doona oo gaari kugu kaxayn kara? Ma waxaad qaadan doontaa taksi? Gadiid dadweyne? Imisaa kharash kugu kici doona oo ma la heli doonaa 24 sacadood? Xasuusnow, ma aha amaan inaad adigu gaariga u kaxayso isbitaalka muddada gurmadka caafimaad.
Maxaad u sheegi doontaa dhakhaatiirtaada?
Ilmo soo rididda caafimaad ama ilmo soo rididda guriga sharci ahaan ma laga manuucay meesha aad ku nooshahay? Maxaad ku dhihi kartaa dhakhaatiirtaada sidaa darteed ay fahmi caawinta aad u baahantahay, laakiin taasina qarinaysa sirahaaga? Waxaannu haynaa xoogaa talooyin ah haddii aad caawin uga baahantahay waxa aad dhihi lahayd.
Waxa Aad U Sheegi Dhakhaatiirtaada:
Wadamada qaar, ilmo soo rididda caafimaad ama ilmo soo rididda guriga sharci ahaan waa mabnuuc. Tan micnaheedu waa haddii aad u baahato caawimo gurmad caafimaad, waa inaad ka feejignaataa waxa aad dhihi. Ilmo soo rididda caafimaad waxay leedahay astaamola mid ah dhicinta dabeeciga ah (sidoo kale loo yaqaano dhicinta caadiga ah). Sidaa darteed, waxaad dhihi kartaa waxyaabo sida:
References:
This website may require anonymous cookies and various third party services to function properly. You can read our Terms & Conditions and Privacy Policies. By continuing to use this site you are giving us your consent to do this.