Sida Loo Isticmalaa Kaniinka Ilma soo ridka
Ka hor isticmaalka kaniinada, akhri taladayada ee Ka Hor Isticmaalka Kaniinka. Hubi:
- Uurkaaga inuu ku jiro daaqada cabiriddayada uurka.
- Inaad daalacatay dhamaan baaraan dagiddayada iyo talooyinka guud.
- Inaad leedahay qorshe amaan xaalada haddii gurmad dhaco.
Waxaa jira labba doorasho ee dawada ilma soo ridka ah. Labbada qaaba waxtar ayay leeyihiin.
Fiiro:Waxaa jira labba qaab oo loo isticmaalo misoprostol: gelinta kiniinka siilkaaga ama afkaaga inta u dhaxaysa dhabanadaada iyo daanka hoose ama cirirdka. HowToUse waxay ku talo bixin in aad ka isticmaasho oo kali ah misoprostol afka sababtoo ah waa khaas (wuxuu u milmaa dhakhso) wuxuuna yeelan khatar yar oo caabuqa.
See Loo Isticmalaa Kaniinka: Mifepristone+ Misoprostol
Tallaabada 1: Liqha kinka Mifepristone oo 200 oo mikrogram ah.
Tallaabada 2: Suga 24-48 saacadood. Waa inaad sugtaa 24 saacadood ka hor isticmaalka misoprostol, laakiin ha sugin wax ka badan 48 saacadood. Markaad sugto, sameewaxyaabaha aad caadi ahaan samayn nolosha maalin laha ah, sida daryeelida qoyskaaga ama shaqo tegida ama dugisga.
Tallaabada 3: Liq cabitaan biyo ah si loo qooyo afkaaga. Gali 4 kaniinada misoprostol (200 mcg mid kasta) inta u dhexaysa dhabankaagaiyo ciridka hoose (2 kaniinna dhanka kale).
Tallaabada 4: Ku hay dhabanadaada 30 daqiiqadood. Waxay qalajin karaan afkaaga ama dhadhamaan tamaashiir markay milmaan. Waxba ha cabin ama ha cunin 30 kan daqiiqadood.
Tallaabada5: 30 daqiqadood dabadeed ku nadiifi afkaaga biyo oo hoos ugu deji biyaha wax kasta oo afkaaga ku hadhay.
Ka Dib Qaadasahda Mifepristone + Misoprostol
- Ka baro halkan waxa la filayo ka dib qaadashada mifepristone + misoprostol.
- Haddii aad la kullanto majiiris xun ibuprofen waa dawo wanaagsan oo wax ka tarta xanuunka. Waxaad iibsan kartaa ibuprofen 200 mg awooda leh oo aan la qorin ( qoris la’aan) badanka wadamada . Qaado 3-4 kiniina (200 mg) 6-8 saacadood oo kasta. Tani waxay wanaajin kartaa xanuun kaaga. (Xusuuso inaad sidoo kale waadato ibuprofen ka hor inta aanad isticmaalin misoprostol, sidoo kale.)
- Haddii aad isticmaashay kiniinka ilma soo ridka mifepristone iyo misoprostol, maangala haan uma baahnid inaad booqato adeeg bixiyaha daryeelka caafimaad wixii ah booqashada la socodka ah. Hubso inaanad dareemin astaamaha uurka, ood dareento caafimaad wanaagsan oo dhiig baxaagu aanu cuslayn. Dawooyinkan waxtar badan ayay leeyihiin markaasna waxay ku talisay Ururka caafimaadka adduunku inaad ka warhaynta yeelato keliya haddii:
Waxaad dareemaysaa bukaan ama xanuunkaagu ma ka soo raynayo labba ama saddex maalmood. Haddii ay tan dhacdo, u raadi daryeel caafimaad si toos ah.
Weli waxaad dareemaysaa astaamaha uurka labba todobaad ka dib qaadashada kiniinka ilma soo ridka.
Dhiig baxaagu wuu culusyahay oo ma khafiifayo labba todobaad ka dib.
Sida Loo Isticmalaa Kaniinka: Misoprostol Keliya
Tilmaamahaan waxay muujiyaan in aad isticmaasho 12 kaniinada misoprostol oo mid kasta yahay 200 mcg.
Tallaabada 1:
- Liq cabitaan biyo si loo qooyo afkaaga. Gali 4 kaniinada inta u dhexaysa dhabankaaga iyo ciridka hoose ee ilkaha (2 kaniina dhinac kasta).
- Dhabanka ku hay kiniinadan ilaa 30 daqiiqadood. Waxay ka dhigi karaan afkaaga qalayl ama dhadhan tabaashiir ah markay milmaan. Waxba ha cunin ama ha cabbin 30 daqiiqadood.
- 30 daqiqadooddabadeed,ku luqluqo afkaaga biyo oo hoos ugu deji biyaha shay kasta oo ka hadhay kiniinka.
- Sug 3-4 saacadood ka hor intaanad sii wadin.
Tallaabada 2: Ku celi tallaabada 1 addoo wata 4 kiniina oo kale. Xasuusnow inaad sugto 3-4 saacadood ka hor u sii socodka tallaabada 3
Tallaabada 3: Ku celi tallaabada 1 oo wata qaybta u dambaysa ee 4 kiniina ah
Ka Dib Isticmaalka KaniinkaMisoprostol
- Halkaan ka baro waxa la fili ka dib qaadashada misoprostol.(Ku xidh ka dib isticmaalka bogga kiniinka)
- Haddii aad la kulanto majiirid xun ibuprofen waa dawo wanaagsan oo wax ka qaban karfto xanuunka. Waxaad iibsan kartaa ibuprofen 200mg awooda leh iyaddoonu dhakhtar qorin (qoris la’aan) badanka wadamada. Qaado 3-4 kiniin ah (200mg) 6-8 saacadood oo kasta. Tani xanuun kaaga way ka soo rayn doontaa. (Xusuuso inaad sidoo kale qaadan karto ibuprofen ka horinta aanad isticmaalin misoprostol, sidoo kale.)
- Haddii aad isticmaashay kiniinka ilma soo ridka mifepristone iyo misoprostol,maangalahaan uma baahnid inaad booqato adeeg bixiye caafimaad wixii ah booqashada la socodka. Hubso inaanad dareemin astaamaha uurka, inaad dareentu caafimaad wanaagsan oo dhiig baxaagu aanu cuslayn. Dawooyinkan aad ayay u saamayn badanyihiin oo Ururka Caafimaadka Adduunku waxa uu ku taliyaa in lala socdo keliya haddii:
Waxaad dareentaa xanuun haddii xanuunkaagu aanu ka soo rayn ka dib labba ama saddex maalmood. Haddii ay tani dhacdo, raadso daryeel caafimaad si toos ah.
Weli waxa aad dareemaysaa astaamaha uurka labba todobaad ka dib qaadashada kiniinka ilma soo ridka.
Dhiig baxaagu waa culusyahay oo ama khafiifayo labba todobaad ka dib.