Ku saabsan ilma soo ridista

Dalalka aduunku waxa ay leyhiin sharcyio ku xeeran helitaanka ilma soo ridka iyo kiniinka ilma soo ridka. Wadamada halka ilma soo ridka aanu xayirnayn, dhakhaatiirtu waxay ku talinayaan isticmaalka dawooyinkamifepristone iyo misoprostol 13 todobaad ee u horeeya ee uurka, laakiin misoprostol lafteedu sidoo kale aad ayay saamayn ugu leedahay 13 todobaad ee u horeeya. Astaamaha ilma soo ridka la isticmaalo kiniinku waxay aad ula mid yihiin ilma soo dhicista aan la qorshayn, ilma soo ridka kiniinku waxa uu badbaadu u yahay haweenku inay gaar u isticmaalaan.

About Medical Abortion
How it Works Abortion Pills

Sida ay u shaqeyso

Dawooyinka loo isticmaalo dawada kiniinka ilma soo ridka waxa uuku shaqeeyaa nafisinta afka dhuunta ilma galeenka (afka ilma galeenka), oo ku keenaa ilma galeenka inuu ururo, taas oo dibada u soo riixda uurka.

Marka la isticmaalo misoprostol, caadi ahaan gudaha 1 ilaa 2 saacadood qaybta koowaad ee kiniinka nuugayo jidhkaagu, waxaad bilaabi doontaa majiirid iyo dhiig bax. Ilma soo ridka caadi ahaan waxa uu dhacaa 24 saacadood qaadashada kiniinka u dambeeya eemisoprostol. Intabadan, waxay ka dhacdaa ka hor taas.

Hadaad Ka Walwalsan Tahay

Haddii aadka walaacsantahay, waxaad awoodi kartaa inaad sheegto markaad soo saarto nuda uurka. Waxay u eekaan karaan canab madow yar oo midaba leh iyo xuub khafiifa, ama kiish yar oo ku xeeran lakabka cad ee balowga ah. Iyaddoo ku xidhan da’da uurka, nudahan way ka yaraan karaan cididaada farta, ilaa cabbirka suulka. Haddii aad aqoonsan karto nudahan, taasi waa tilmaan in ilma soo ridka uu guul leeyahay. Inta badan, nuda uurka waxay ku laabnaan kartaa xinjirta dhiiga. Ma arki kartid ilaa aad u eegto si feejigan.

Tixraacyo:

HowToUseAbortionPill.org waxay ku xiran tahay urur diiwaangashan oo saldhiggiisu yahay Mareykanka kuna saleysan 501c (3) oo aan macaash doon ahayn.
HowToUseAbortionPill.org waxay bixisaa waxyaabo loogu talagalay ujeeddooyin macluumaad oo keliya aana ku xirnayn urur caafimaad.