Ku saabsan ilma soo ridista

Responsive image

Dalalka aduunku waxa ay leyhiin sharcyio ku xeeran helitaanka ilma soo ridka iyo kiniinka ilma soo ridka. Wadamada halka ilma soo ridka aanu xayirnayn, dhakhaatiirtu waxay ku talinayaan isticmaalka dawooyinkamifepristone iyo misoprostol 11 todobaad ee u horeeya ee uurka, laakiin misoprostol lafteedu sidoo kale aad ayay saamayn ugu leedahay 11 todobaad ee u horeeya. Astaamaha ilma soo ridka la isticmaalo kiniinku waxay aad ula mid yihiin ilma soo dhicista aan la qorshayn, ilma soo ridka kiniinku waxa uu badbaadu u yahay haweenku inay gaar u isticmaalaan.

Dawooyinka loo isticmaalo dawada kiniinka ilma soo ridka waxa uuku shaqeeyaa nafisinta afka dhuunta ilma galeenka (afka ilma galeenka), oo ku keenaa ilma galeenka inuu ururo, taas oo dibada u soo riixda uurka.

Marka la isticmaalo misoprostol, caadi ahaan gudaha 1 ilaa 2 saacadood qaybta koowaad ee kiniinka nuugayo jidhkaagu, waxaad bilaabi doontaa majiirid iyo dhiig bax. Ilma soo ridka caadi ahaan waxa uu dhacaa 24 saacadood qaadashada kiniinka u dambeeya eemisoprostol. Intabadan, waxay ka dhacdaa ka hor taas.

Responsive image
Responsive image

Haddii aadka walaacsantahay, waxaad awoodi kartaa inaad sheegto markaad soo saarto nuda uurka. Waxay u eekaan karaan canab madow yar oo midaba leh iyo xuub khafiifa, ama kiish yar oo ku xeeran lakabka cad ee balowga ah. Iyaddoo ku xidhan da’da uurka, nudahan way ka yaraan karaan cididaada farta, ilaa cabbirka suulka. Haddii aad aqoonsan karto nudahan, taasi waa tilmaan in ilma soo ridka uu guul leeyahay. Inta badan, nuda uurka waxay ku laabnaan kartaa xinjirta dhiiga. Ma arki kartid ilaa aad u eegto si feejigan.

Qorayaasha:

Dhammaan waxyaabaha ku jira websaydhkan waxaa qoray kooxda HowToUseAbortionPill.org iyadoo la waafajinayo heerarka iyo borotokoolka The National Abortion Federation, Ipas, the World Health Organization, DKT International and carafem.

The National Abortion Federation (NAF) waa ururka xirfadleyda ah ee bixiyeyaasha ilmo iska soo ridka ee Waqooyiga Ameerika, iyo hoggaamiyaha udooda ilma iskasoo ridida sharciaga ah. Mawduucyada ku saabsan HowToUseAbortionPill.org waxay la jaan qaadayaan Tilmaamaha Siyaasadda Caafimaadka 2020 ee ay soo siidaysay NAF.

Ipas waa hay'adda kaliya ee caalamiga ah oo si kali ah diirada saara balaarinta marin u helka ilmo iska soo ridka iyo daryeelka ka hortagga uurka. Mawduuca ku saabsan HowToUseAbortionPill.org wuxuu la jaan qaadayaa Akhbaaraadka Caafimaadka Taranka ee 2019 oo ay soo saartay Ipas.

The World Health Organization (WHO) waa hay'ad gaar ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo u qaabilsan caafimaadka bulshada caalamiga ah. Waxyaabaha ku jira HowToUseAbortionPill.org waxay la jaanqaadayaan ilma iskasoo rididda nabdoon ee 2012: hagitaan farsamo iyo siyaasad nidaamyo caafimaad oo ay sii deysay WHO.

DKT International waa urur diiwaangashan, oo aan faa'iido doon ahayn oo la aasaasay 1989 si diirada loogu saaro awooda suuq geynta bulshada qaar ka mid ah wadamada ugu waaweyn oo leh baahiyaha ugu weyn ee qorsheynta qoyska, kahortaga HIV/AIDS iyo ilmo iskasoo ridid aamin ah.

carafem waa shabakad kiliinik ah oo bixisa daryeel ilmo soo ridid haboon oo xirfad leh iyo qorsheynta qoyska si dadku u xakameeyaan tirada iyo kala fogaanshaha carruurtooda.


References:

This website may require anonymous cookies and various third party services to function properly. You can read our Terms & Conditions and Privacy Policies. By continuing to use this site you are giving us your consent to do this.