Ka Hor Isticmaalka Kaniinka

Hubso inaad dareento inaad si buuxda wax u ogtahay oo aad u diyaar garawday ka hor intaadan ilmo iska soo ridin kiniiniyada.

1. Ka Hor Isticmaalka Kaniinka
2. Ka fiirsashooyinka
3. Talo guud
4. Samaynta Qorshe Amaan Ah
Pregnacy calculator

Ka Hor Isticmaalka Kaniinka

Intee in leegoo uurkaaga ah ayaad ku jirtaa? Cilmi baadhidy waxay muujinaysaa in dawada ilma soo ridku intabadan lagula taliyo uurarka ka horeeya 13 todobaad laga bilaabo muddadii caada dhiigaaga u dambaysay. Isticmaal xisaabiyaha uurka si aad u go’aamiso inta dheer aad aad tahay, laga bilaabo muddadii dhiigaaga caadada u dambaysay.

Idan lokacinka na ƙarshe ya fara a ko bayan haka:

Agosto 1, 2025

Waxaad wali ka fiirsan kartaa kaniiniga ilmo soo rididda

Ka fiirsashooyinka

Haddii aad leedahay IUD

Haddii aad la nooshahay xanuunka HIV-ga.

Haddii aad ka walaacsan tahay gaarka ah

Haddii aad qabto dhiig-yaraan

Talo bixin Guud

Cunto cun ka hor inta aanad isticmaalin kiniinka. Waxaa fiican in calooshaada inay wax ku jiraan xilliga kiniinka ilmo iska soo rididda
Cab biyo badan inta lagu jiro habka oo dhan. Joogista fuuq-baxa waxay kaa caawin doontaa casiraad.
Marka aad isticmaalayso kaniinada misoprostol , ha ahaato goob (sida gurigaaga) meel aad gaar ahaansho ku leedahay ood jiifsan karto ilaa dhawr saacadood ka dib markaad isticmaasho kaniinada haddii aad rabto.
Haddii aad haysato qof taageero ku siinaya, waxayn noqon kartaa mid waxtar leh marka aad howsha marayso
ka feker qaadashadaibuprofen ka hor inta aadan isticmaalin misoprostol si uu u yareeyo xanuunka majiiridda.
Samee qorshe amaan ka hor isticmaalka kaniinada ilmo soo rididda xaalada haddii aad u baahato caawin caafimaad oo degdeg ah.

Abuuritaanka Qorshaha Badbaadada

Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), ilmo iska soo rididda kiniinka waa mid badbaado aad leh, dhibaatooyinkana waa ku yaryihiin oo waa dhif iyo naadir. Si kastaba ha ahaatee, way wanaagsan tahay in loo diyaar garoobo xaalad degdeg ah oo caafimaad haddii loo baahdo. Tixgeli su’aalahayaga hoose si ay kaaga caawiyaan abuurista qorshahaaga badbaadada haddii aad u baahato.

Maskaxda ku hay xarunta caafimaadka degdega ah ee kuugu dhow haddii aad u baahan tahay in lagu arko inta lagu jiro ama ka dib habka ilmo iska soo rididda kiniinka.

Ma qofbaa kula joogi doona oo gaari kugu kaxayn kara? Ma waxaad qaadan doontaa taksi? Gadiid dadweyne? Imisaa kharash kugu kici doona oo ma la heli doonaa 24 sacadood? Xasuusnow, ma aha amaan inaad adigu gaariga u kaxayso isbitaalka muddada gurmadka caafimaad.

Ilmo soo rididda caafimaad ama ilmo soo rididda guriga sharci ahaan ma laga manuucay meesha aad ku nooshahay? Maxaad ku dhihi kartaa dhakhaatiirtaada sidaa darteed ay fahmi caawinta aad u baahantahay, laakiin taasina qarinaysa sirahaaga? Waxaannu haynaa xoogaa talooyin ah haddii aad caawin uga baahantahay waxa aad dhihi lahayd.

Wadamada qaar, ilmo soo rididda caafimaad ama ilmo soo rididda guriga sharci ahaan waa mabnuuc. Tan micnaheedu waa haddii aad u baahato caawimo gurmad caafimaad, waa inaad ka feejignaataa waxa aad dhihi. Ilmo soo rididda caafimaad waxay leedahay astaamola mid ah dhicinta dabeeciga ah (sidoo kale loo yaqaano dhicinta caadiga ah). Sidaa darteed, waxaad dhihi kartaa waxyaabo sida:

  • Ma hubo waxa dhacaya. Waxaan bilaabay uun dhiig bax.
  • Waan dhiig baxayaa, laakiin uma eeka dhiiga caadadayda caadiga ahayd.
  • Waxaan si kadis ah u bilaabay uun dhiig bax oo waxaan ka baqayaa inay wax khaldanyihiin.

Tixraacyo:

HowToUseAbortionPill.org waxay ku xiran tahay urur diiwaangashan oo saldhiggiisu yahay Mareykanka kuna saleysan 501c (3) oo aan macaash doon ahayn.
HowToUseAbortionPill.org waxay bixisaa waxyaabo loogu talagalay ujeeddooyin macluumaad oo keliya aana ku xirnayn urur caafimaad.

Powered by Women First Digital