Su'aalaha Kale ee Ilmaha Laga Soo rido

Ilmo xaaqistu ma maxa weeyi hab laga hortago uurka?

Hababka ilmo xaaqista waa inaan lagu khaldin hababka ka hor tagida uurka (habka ka hortaga uurka, eey ka mid tahay ka hortagida uurka ee deg dega ah). Hababka ka hortagida uurku waxay u shaqeeyaan iyagoo joojinaya bacriminta ( soo daynta ugxanta) ama joojinta ugxanta iyo manida raga inay kulmaan. Hababka ka hor tagida uurka, sida uur ka hor tagida deg dega ah looma isticmaali karo in lagu joojiyo ama lagu wax yeeleeyo uur hore u abuurmay. Waxaad booqan kartaa www.findmymethod.org si aad wax badan uga ogaato ka hababka ka hortaga uurka.

Waa maxay farqiga u dhaxeeya kiniinka ilmo xaaqista iyo subaxda ka danbaysa kiniinka ( uurk ka hor tagida deg dega ah)?

Kiniiada ka hor tagista uurka deg dega ah ( ECPs) waa amaan waana habka ugu haboon ee ka hortaga uurka ka dib galmo aan ilaashanayn. Waxay u shaqeeyaan iyagoo ka hortagaya bacriminta ( soo daynta ugxanta) ama iyaga oo ka joojinaya ugxanta iyo manida inay kulmaan. ECPs way ka duwan yihiin ilmo xaaqista dhakhtar qoray. ( oo ay ka mid tahay mifepristone iyo misoprostol). Labadan dawooyinba waxay leeyihiin muhiimad aad ah dhinaca taranka ee dumarka aduunka.

Ilmo xaaqista dawada la isticmaalaa ma la mid baa ilmo xaaqista kiniinka la isticmaalo? Imo xaaqista dawada la isticmaalaa ma la mid baa ilmo xaaqista qaliinka ah?

Waxa jira laba ha boo macruuf ah oo ilmo xaaqis ah;
1) ilmo xaaqis dawo la adeegsado: Ilmo xaaqistani waxa la adeegsanayaa dawooyin si loo joojiyo uurka. Mararka qaar kalmadaha “ilmo xaaqista aan qaliinka ahayn” ama “ ilmo xaaqista kiniinka” ayaa sidoo kale la isticmaalaa.
2) Ilmo xaaqis qaliin ah: Nidaamka Ilmo xaaqista qaliinka ah, qof takhasusa ayaa soo faaruqin doona ilmo galeenka isagoo sii dhex maraya afaafka ilmo galeenka si uu u joojiyo uurka . Hababkani waxa ka mid ah in laga soo nuugo (MVA) oo la balaadhiyo lagana soo xaaqo (D &E).

Sideen kuula soo xidhiidhi karaa macluumaad dheeeri ah?

Waxaad la soo xidhiidhi kartaa kooxdayada si aad u hesho macluumaad dheeri ah halkani info@howtouseabortionpill.org.

Tixraacyo