Saamaynta iyo dhibaatooyinka kiniinka ilmo soo tuurista

Intee in lee goo dhiigbax iyo xanuun ah ayaa caadi ah ka dib marka aan qaato misoprostol?

Dumarka qaar, xanuunku waa xoog- aadna way uga xanuun badan tahay xataa casiraada caadada ( hadii aad leedahay casiraad caado) dhiig baxuna wuu ka badan yahay ka xiliga caadada. Waxa laga yaabaa inay kaa soo baxaan guntimo dhiig ah oo leeg liinta saacadaha hore ka dib markaad qaadato misoprostol. Dumarka kale, casiraadu waa dhex dhexaad dhiig buxuna waa sida ka xiliga caadada.

Ka waran hadii aanan dhiig bixinba ka dib markaan qaato misoprostol?

Raadso caawimo caafimaad hadii aanad dhiigbixin ama aad leedahay dhiig bax yar oo ay raacdo casiraad aad ah ( gaar ahaan garabka midigta) kaasoo aanay ibuprofen bogsiinaynin. Tani waa calaamad in ilmuhu ku samaysmay meel ka baxsan ilmo galeenka ( uur ka baxsan ilmo galeenka). Inkastooy tani tahay mid hif ah, hadana waxay noqon kartaa halis. Sidoo kale waxaad la xidhiidhi kartaa saaxiibadayo halkan www.safe2choose.org si aad ula xidhiidho la taliye tababaran oo dhinaca ilmo soo tuurista ah hadii aad ka war warsan tahay inay ilmo soo tuurstaadu tahay mid guuldaraysatay.

Ka waran hadii aan aa u dhiigbaxo ka dib markaan qaato kiniinka ilmo soo tuurista?

Raadso kaalmo caafimaad hadii aad qoyso laba xafaayadood oo caadi ah saacadiiba laba saacadood oo isku xiga ka dib markii aad u malaysay in aad dhaaftay uurkii. Qoyidu waxay tahay micnaheedu in xafaayadu gabi ahaanba ka buuxsamay dhiig xaga hore iyo xaga danbe, dhinac ilaa dhinac iyo dhex ilaa dhex.

Maxaan samayn karaa si aan u maareeyo xanuun kasta ka dib markaan qaato kiniinka ilmo soo tuurista?

Qaado 3-4 kiniin ( 200mg) 6-8 saacadood oo kasta si aad yarayso xanuunkaaga. Xasuusnoow inaad sidoo kale isticmaali kartid ibuprofen ka hor intaadan isticmaalin misoprostol.

Si caadi ah wax ma u cuni karaa ka dib markaan qaato kiniinka ilmo soo tuurista?

Ka dib markay misoprostol milanto, waxbaad cuni kartaa sidaad jeceshahay. Cunto qalalan ( tusaale. Buskud ama roodhi) waxa laga yaabaa inay kaa caawiso yalaalugada, halka khudrada cagaaran, beedka iyo hilibka cas ay kaa caawin karaan inay dib kuugu soo celiyaan macadanihii aad lumisay intii aad ku jirtay ilmo soo tuurista.

Wax dareere ah ma cabi karaa ka dib markaan qaato kiniinka ilmo soo tuurista?

Ka dib markay misoprostal milanto, waad cabi kartaa cabitaan kasta oo aad jeceshahay (marka laga reebo khamirga Alkoosha)

Ma cabi karaa khamri alkool inta lagu guda jiro iyo kadib marka aan qaato kiniinka ilmo soo tuurista?

Khamriga waa in laga fogaado inta lagu guda jiro dawaynta si looga hortago saamaynta habsamida dawada. Alkooshu waxay sidoo kale keeni kartaa xaaladaha qaar dhiig bax xad dhaaf ah dhinaca ilmo galeenka waxayna hoos u dhigi kartaa waxtarka dawooyin kale oo la qaatay si loo yareeyo xanuunka iyo caabuqa ( dumarka la tacaalaya dhibaatooyinkaa). Guud ahaan, waxa lagugula talinayaa inaad ka fogaato isticmaalka alkoosha ilaa inta aad xaqiijinayso in ilmo soo tuuristaadu ay dhan tahay oo aad dareemayso caafimaad wanaagsan.

Muddo intee leeg ayay qaadanaysaa inay tagaan calaamada saamaynta ee kiniinka ilmo iska soo tuuristu?

Dumarka badankooda waxay soo tuuraan uurka 4-5 saac gudahood waxayna caadi ku noqdaan mudo 24 saac gudahood ah. Waa iska caadi inaad sii aragto dhiigbax yar oo sahlan iyo calaamado ilaa iyo xiligaaga xiga ee 3-4 wiig gudahood.

Ma iska caadi baa inaad dareento xanuun ama yalaalugo ka dib markaad qaadato misoprostol?

Waa iska caadi inaad dareento xanuun caloosha ah, shuban, dhaxan iyo sida inaad leedahay xumad intaad ku jirto wakhtigan. Waxa lagu soo waramaa dumarka badankooda inay og yihiin markay soo tuureen uurka sababtoo ah dhiigbaxu wuu sii yaraadaa waxaanay bilaabaan inay fiicnaan aad ah dareemaan.

K a waran hadii aan wali uur leeyahay ka dib markii aan qaatay kiniinka ilmo soo tuurista?

Dumarka qaar ayaa laga yaabaa inay u baahanyihiin nidaam qaliin hadii ay wali uur leeyihiin ka dib markii ay qaadatay kiniinka. Ogow! Dawaynta ilmo soo tuurista aan dhamayska tirnayn meel kasta waa laga heli karaa aduunka. Waxaad xaq u leedahay adeegan, xataa hadii sharciyan ilmo soo tuuristu ay xanibantahay wadankaaga.

Tixraacyo