Yaa isticmaali kara Kiniinada Ilmo iska soo Tuurista?

Maya, isticmaal tirada isku midka ah ee kiniinka aanu kula talino qof walba. Diraasado ayaa muujiyey in guusha daawadu aaney hoos u dhigin dumarka culculus. Uma baahnid inaad qaadatid xadi ka duwan am ka badan kiniinka.

Uma baahnid inaad badasho xadiga ama tirada kiniinada hadii aad ogaato inaad leedahay uur mataano ah. Nidaam isku mid ah ayuunbaa loo isticmaalayaa uurka mataanaha.

Maya, uurkastaaba waa dhacdo gaar ah. Hadii aad horey u isticmaashey kiniinka ilmo iska tuurka, uma baahnid xadi badan hadii aad marlabaad u isticmaasho uurkale oo aanad rabin.

Hadii ilma galeenkaaga uu ku jiro qalabka ka hortaga uurku (tusaale, dunta ama dheecaanka uur diyaarinta IUD), waa in lagaa saaraa ka hor daawada ilmo iska tuurista.

Hadii aad naasnuujineyso ilmaha, kiniinada misoborostol waxay ku sababi karaa shuban ilmaha. Si aad iskaga ilaaliso arintan, naasnuuji ilamaha , qaado kiniinka misoborostol ka dibna sug 4 saacadood ka hor intaanad naasnuujin ilmaha marlabaad.

Hadii aad la nooshahay aydhis, kaliya hubi inaad degan tahay, waxaad waadataa daawooyinka ka hortaga farayska, caafimaadkaaguna wuu wanaagsan yahay.

Haddii dhiig yari kugu dhacdo (heerarka birta ee dhiigga ku yar), caddee bixiye daryeel caafimaad oo aan ka badnayn 30 daqiiqo oo caawin kara haddii aad u baahato. Haddii aad dhiig la’aani ku jirto, la tasho dhakhtar intaadan isticmaalin kiniinka ilmo iska soo ridka.

Maya, isticmaalka kiniinka ilmo iskasoo tuuristu ee horaanta uurku wax halisa malaha xataa hadii horey laguugu qalay dhalmo.

Ma jiro wax xidhiidha ka dhexeeya daawada maayfbiristoon iyo xanuun ilmuhu kusoo dhasho. Si kastaba ahaatee, misoborostol ma sababto heerka korodhka ee xanuunada ku dhalashada. Hadii aad qaadato misoborostol walina aad uur leedahay ka dib qaadashada kiniinka, waxa suurto gal ah si caadi ah iskaga dhaleyso ka hor muda dhalmada. Hadii aanad lahayn dhalmada mudadeeda kazoo hor marta oo aad uurka leedahay ilaa wakhtigiisa, khatarta ilmaha xanuunka ku dhalan karaa waxay kordheysaa 1% (hal ilmo boqokii ilmaba).

Maya, maaha caadi (amaan) inaad isticmaasho kiniinka ilmo iska tuurista hadii aad ogtahay inaad khatar ugu jirto xaalada uurka meel ka baxsan ilmo galeenka.Maxaa yeeley waxaad gashay qaliin, waxaanu ogahay inaad nabaro ku leedahay tuubooyinka falooyinka. Taasi waa sababta uurkaagii ugu danbeeyey uu u noqdey mid ah xaalada ilmuhu ku sameyso meel ka baxsan ilmo galeenka. Tuubooyinka falobiyaanku waa meesha ukunta dhedig lagula bacrimiyo biyaha labka. Uurku wuxuu bilaabaa inuu koro oo uu dul maro tuubka ilmo galeenka. Hadii tuubkaagu nabar leeyahay, uurka hore wuxuu ku xanibmi karaa tuyuubka. Marka uu uurku koro, wuxuu sababi karaa in tuyuubku uu furmo. Hadii uu tuyuubku furmo, tani waxay ku sababi kartaa gudaha dhiig bax faro badan, taasi oo khatar nolosha ku ah. Waxaad khatar ugu jirtaa xalaad kale oo ilmuhu ku sameyso meel ka baxsan ilmo galeenka. Waa inaanad iskaa u isticmaalin kiniinada ilmo iskasoo ridka ilaa bixiye daryeele caafimaad uu hubo in uurku ku jiro ilmo galeenka, ee aanu ku jirin tuyuubka.

Marka hore, waa inaad ogaataa in badi dumarku aan ka warheyn doonin xaalad ilaa ay mareen meshiinka ultrasound. Xaaladaha uurka ka baxsan ilmo galeenka lama sadaalin karo sidaa daradeed xataa wadamada ilmo iska ridku aanu sharci ahayn dumarku waxay helikaraan nidaam sharci si usoo af jaraan uurkan.

References:

HowToUseAbortionPill.org waxay ku xiran tahay urur diiwaangashan oo saldhiggiisu yahay Mareykanka kuna saleysan 501c (3) oo aan macaash doon ahayn.
HowToUseAbortionPill.org waxay bixisaa waxyaabo loogu talagalay ujeeddooyin macluumaad oo keliya aana ku xirnayn urur caafimaad.